Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti + Sawiro

0
522

Weftigii Madaxweynaha Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Jabuuti

 

 

Jabuuti-03-09-2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa gaadhay dalka Jabuuti, waxaana weftiga Madaxweynaha Madaarka ku soo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka aynu walaalaha iyo deris wanaaga nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan dawladda Jabuuti.

 

 

Waxaana madaxweynaha iyo weftigiisu ay gudo-galeen ujeedka safarkooda waxaana qasriga madaxtooyada Jabuuti ku qaabiley madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar geelle oo ay wada yeesheen kulan saacado qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo dhigiisa Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa si wada jira uga warbixiyey kulamada waxaanay sheegeen in laga wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo iskaashiga wada shaqayneed ee ka dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti oo tusaale wanaagsan u noqon kara mandaqada geeska afrika.

 

 

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti waxa uu weftiga Madaxweynaha Somaliland hoggaaminayo u sameeyey hadhimo sharafeed balaadhan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here