Madaxweynaha oo shacbiga iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Yuusuf Dool oo maanta ku geeriyooday Hargeysa ka tacsiyadeeyey

0
77

TACSI MADAXWEYNE: 28/08/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Yuusuf Dool oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 28/08/2019, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here