Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga iyo ehelada Marxuum Sul. Carab Cabdi Cali uu ka geeriyooday

0
517

TACSI MADAXWEYNE KU XIGEEN: 09/08/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha madaxweynaha Qaranka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Carab Cabdi Cali oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2019, magaalada Hargeysa laguna aasay galabta.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed door muhiima ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ahaana Suldaanka guud ee deegaanada Gar-adag.

Waxaanu ku simaha Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here