Madaxweynaha oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo ehelada Marxuum Xuseen Doodi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
589

Madaxweynaha oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo ehelada Marxuum Xuseen Doodi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

TACSI MADAXWEYNE: 04/08/2019

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2019, magaalada Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal kala duwana qaranka ka soo qabtay oo uu ugu danbeeyey xilka wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here