Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Uu Cambaaraynayaa Weerarka Siyaasadeed iyo Dhaqaale Ee Ka Soo Yeedhaya Soomaaliya

0
476

Golaha Wasiirrada Somaliland Waxa Uu Cambaaraynayaa Weerarka Siyaasadeed iyo Dhaqaale Ee Ka Soo Yeedhaya Soomaaliya

WAR-SAXAAFADEED:15 /07/2019

 

Kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, maanta yeesheen oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa lagu lafo-guray weerarka siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulka muqdisho ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay ugu danbaysay dacwaddii iyo dagaalkii ay u galeen sidii aanay xoolaha Somaliland u dhoofi lahayn, taasoo markhaati cad u ah carqaladaynta dhaqaalaha somaliland, balse dedaal dheer oo dawladda Somaliland ka gashay sii daynta xoolahaasi ay ka degeen dalka sucuudiga.

 

 

Golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu cambaaraynayaa weerarrada joogtada ah ee maamulka Xamar ku bartilmaameedsanayo horumarka Somaliland, taasoo muujinaysa cadaawadda aan gabbashada lahayn ee ay shacbiga Somaliland u hayaan.

 

 

Waxa aan marnaba qarsoonayn is hortaaggii badheedhka ahaa ee ay maamulka Muqdisho isku dayeen in xoolo ka dhoofa dekeddaha Somaliland aanay ka degin dalka Sucuudiga. Balse waxa ayaandarro ah inay guuldarradaas ka dib sheegato Xamar, guusha Somaliland xoolaheeda ku geysay dalka Sucuudi Carabiya.

 

 

Dawladda Somaliland waxay si ballaadhan ugu mahadnaqaysaa dawladda boqortooyada Sucuudi Carabiya  tallaabada geesinnimada leh ee ay ka qaadatay dejinta markabkii siday xoolaha ka dhoofay Somaliland kuna garawsatay muhiimadda isu socodka ganacsiga labada dal.

 

 

Haddaba, dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ka duulaysa iibgeynta laf-dhabarta dhaqaaleheeda ee xoolaha nool waxa ka go’an  inay dedaal u gasho helidda suuqyo ganacsi oo cusub, iyadoo sii xoojin doonta xidhiidhadii ganacsi ee hore.

 

 

Ugu danbayntii goluhu wuxuu warbixin ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha iyo  horumarinta maaliyadda.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here