Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Axmed Yuusuf + Sawiro

0
510

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey  Marxuum Axmed Yuusuf

 

Hargeysa-14-07-2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas qaran oo xabaalaha Xaraf ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Axmed Yuusuf Siciid oo kamid ahaa haldoorka miisaanka ku leh dhex bulshada reer Somaliland, dhawaanna ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay doorkii shariifka ahaa ee uu marxuum Axmed Yuusuf Siciid kasoo qaatay dib-u-dhiskii iyo horumarintii dadka iyo dalka reer Somaliland, waxana uu tilmaamay inuu marxuumku bulshada ugu jiray kaalin mug iyo miisaan leh oo la tebi doono.

 

Xubno kale oo kamid ah waxgaradka iyo hormoodka bulshada oo iyaguna goobta Aaska hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna marxuumka ku sifeeyey haldoor bulshada dhexdeeda qiimo ku lahaa, kana tegay taariikh wax ku Ool ah oo aan la hilmaami Karin.

 

Marxuum Axmed Yuusuf Siciid, ayaa kamid ahaa haldoorka reer Somaliland ee sida weyn uga soo qayb-qaatay dib-u-dhiskii dalka, isaga oo sidoo kale kamid  ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxana Aaskiisa ka qaybgalay badiba labeenta iyo waxgaradka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here