Shacabka Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa oo Si Aan Kala Hadh Lahayn Usoo Dhaweeyey Madaxweynaha JSL Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey ee Dalka Gini Safarka Shaqo Ku Joogay Maalmihii u Danbe + Sawiro

0
560

Shacabka Caasimadda Somaliland Ee Hargeysa oo Si Aan Kala Hadh Lahayn Usoo Dhaweeyey Madaxweynaha JSL Iyo Weftigii uu Hoggaaminayey ee Dalka Gini Safarka Shaqo Ku Joogay Maalmihii u Danbe

 

Hargeysa-07-07-2019(SL)-Weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ugu maqnaa qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, waxana si aan kala hadh lahayn oo xamaasad iyo waddaniyadi ku dheehan tahay usoo dhaweeyey guud ahaanba qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa.

 

Qaybaha kala duwan ee shacabka caasimadda Hargeysa oo ku lebbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana caleemo qoyan lulaya, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweeyey dhammaanba jidadka waaweyn ee caasimadda Hargeysa, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin, una taageersan yihiin guulaha uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kasoo hooyey safarkii uu ku tegay dalka Jamhuuriyadda Gini iyo dalal kale oo qaaradda Afrika ah.

 

Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo axsaabta qaranka oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa iyaguna soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa si ballaadhan uga qaybgalay, waxana uu madaxweynuhu shacabka kala hadlay goob fagaare ah oo ka ag dhaw madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaah Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe oo ugu horrayn shacabka la hadlay, ayaa sheegay inuu safarka madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa guud ahaanba Somaliland usoo hooyeen guul dhinacyo badan leh, islamarkaana quluubta shacabka reer Somaliland midaysay oo isu soo dhaweysay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan caasimadda Hargeysa uga mahadnaqay sida waddaniyadda leh ee ay usoo dhaweeyeen midhaha iyo guusha uu safarkaasi keenay, waxana uu ugu baaqay inay mar walba u midoobaan sidii ay dalkooda uga difaaci lahaayeen gardarrada iyo qedafyada kaga imanaya maamulka Muqdisho.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here