Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 42-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen

0
647

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 42-Guurada Kasoo Wareegtay Maalintii Ay Gobonnimada Qaateen

HAMBALYO MADAXWEYNE: 26/06/2019

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlayaaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Dhambaal hambalyo ah u dirayaa dawladda aynu jaarka iyo walaalaha dhaw nahay ee Jamhuuriyada Jabuuti oo ay caawa ku beegan tahay Xuska sannad guurada 42-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu  shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sannad-guurada xorriyadooda oo ku beegan caawa, waxana uu u rajeeyey horumar, bash-bash iyo barwaaqo inay sannadkaa sannadkiisa ku gaadhsiiyo.

 

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Jabuuti xornimada iyo horumarka 42 jirsaday ee ay u dabaal-degayaan caawa, isagoo u rajeynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here