Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Madaxda Hay’adaha UNCEF iyo UNFPA + Sawiro

0
627

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Madaxda Hay’adaha UNCEF iyo UNFPA.

 

Hargaysa-17-06-2019-(SL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda hay’addaha UNICEF, Mr. Werner Schultink, iyo UNFPA, Mr.Anders thonson oo hay’addahaasi u qaabilsan Dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka qaramadda midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya ee dhinaca arrimaha bulshada iyo sidii loosii laba jibbaari lahaa mashaariicda horumarineed ee qaramadda midoobay ka waddo gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Madaxweyne ku-xigeenka oo saraakiishaa kusoo dhaweeyay dalka, maddaama ay ku cusub yihiin xafiisyadda UNICEF iyo UNFPA ay kaga hawl-galaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo bedelay masuuliyiintii hore u hayey xilalkaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here