Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qoysaskii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Dadka ku geeriyooday Shil naxdin leh oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa

0
701
Madaxweynaha Somaliland oo shacbiga iyo qoysaskii ay ka baxeen ka tacsiyadeeyey Dadka ku geeriyooday Shil naxdin leh oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa
TACSI MADAXWEYNE: 07/05/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee dhammaan Marxuumiinta ku geeriyooday shil baabuur oo sababay dhimashada todoba ruux (7 qof) kuna dhaawacmeen afar ruux, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo kala ah Bas rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Dalmar iyo gaadhi weyn oo ah nooca loo yaqaano candha-maydle. Shilkaas oo ka dhacay inta u dhaxaysa Lafa-ruug iyo xamaas ee gobolka saaxil maanta oo ay taariikhdu tahay 07-05-2019 .
 
 
Sidoo kale madaxweynuhu wuxuu ku adkaynayaa mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka ee gobolada isaga goosha, iyo wadayaasha gaadiidku inay u hoggaansamaan shuruucda gaadiidka iyo waddo-marista muujiyaana masuuliyada nafaha muwaadiniinta ay qaadan iyo ilaalinta maalka gaadiidka.
 
Madaxweynuhu wuxuu wax laga damqado ku tilmamay halista iyo khataraha soo noq-noqday ee shilalka gaadiidku sababeen oo khasaare naf iyo maalba leh u geystay muwaadinta Jamhuriyada Somaliland.
 
Waxaanu madaxweynuhu farayaa wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, taliyaha ciidanka Booliska iyo laanta nabad-gelyada wadooyinka inay fuliyaan awaamiirta iyo sharciga gaadiidka iyo wadidooda, isla markaana waajibaadkooda ka gutaan cid kasta oo baalmarsan shuruucda wadida gaadiidka iyo masuuliyada saaran.
 
 
Madaxweynuhu wuxuu marxuumiintaas ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada, ehelada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee ay ka baxaeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Inta dhaawaca ahna caafimaad sareecana siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here