Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynihii Ee Neyjeeriya Oo Dalka Booqasho Ku Yimi + Sawiro

0
549

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Hadhimo-Sharafeed Ku Maamuusay Madaxweynihii Ee Neyjeeriya Oo Dalka Booqasho Ku Yimi

Hargeysa-05-05-2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed Ku maamuusay madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo oo booqasho rasmi ah ku yimi Somaliland.

Hadhimo-sharafeeddan uu madaxweynuhu u sameeyey madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya oo ay ka qaybgaleen shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, madaxda axsaabta qaranka, saddexdii madaxweyne-ku-xigeen ee Somaliland soo maray, wasiirro iyo haldoor kale oo reer Somaliland ah, ayaa ahayd mid lagu sharfayey madaxweynaha hore ee Neyjeeriya  Olusegun Obasanjo ee dalka booqasho rasmi ah ku jooga, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay, islamarkaana lagu sharraxay horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa si weyn ugu mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya , Mr. Olusegun Obasanjo booqashada uu dalka ku yimi, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimi inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.” 

Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa, kuna soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here