Kal-Fadhigii 33-Aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo-Guray Arrimo Doora

0
680

Kal-Fadhigii 33-Aad Ee Golaha Wasiirradda Somaliland Oo Maanta Lagu Lafo-Guray Arrimo Doora

WAR-SAXAAFADEED: 25 /04/2019(SL)Kal-fadhigii 33-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 25/04/2019, warbiximo lagaga dhegeystay wasiirrada wasaaraddaha Horumarinta Maaliyadda, horumarinta beeraha iyo horumarinta Biyaha.

 

Ugu horayn wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire ayaa golaha warbixin ka siiyey arrimaha dhaqaalaha dalka isagoo wasiirku isbarbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka  (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.

 

Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii.

 

Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku da’aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.

 

Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan.

 

Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay go’aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka  la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here