Madaxweynaha oo dhambaal tacsi ah u diray, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida, ehelka iyo shacbiga Somaliland

0
712
TACSI MADAXWEYNE: 26/03/2019
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Golaha Barlamaanka Somaliland, gaar ahaan golaha Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Ciise Buux oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 26/03/2019, Magaalada Boorama
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqameed ka baxay dalka door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.
 
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Barlamaanka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
 
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here