Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Madaxda Hay’adda Qaxoontiga UNHCR Ee Somaliland + Sawiro

0
556

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Madaxda Hay’adda Qaxoontiga UNHCR Ee Somaliland

Hargeysa-23-03-2019-(SL)-Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici)  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay  Madaxa Hay’adda UNHCR  ee Somaliland, Ms. Sarah Khan  iyo u qaabilsanaha Hay’adda ee  Qaxoontiga Magaalada Berbera Mr. Rooble Cawaale.

 

Madaxa Hay’adda UNHCR, Ms. Sarah Khan ayaa Dawladda Somaliland   ku ammaantay qaabka ay usoo dhaweeyeen qaxoontiga ka yimi  Waddanka Yemen  ee Colaaduhu saameeyeen, waxaanay sheegtay in ay Somaliland ku qaabishay hanaan wanaagsan oo Binu- aadamnimo, islamarkaana ay  u samaysay is dhex-gal dadka qaxoontiga ah iyo dadka reer Somaliland, iyadoo ay  sheegtay in Dawladda Somaliland muujisay xilna iska saartay daryeelka qaxoontiga magan galyada ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ay xustay inay tahay    tusaale fiican oo indhaha caalamku soo jiitay, iyaguna ka hay’add ahaan ay aad ula dhacsan yihiin.

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa uga mahad celiyey booqshada ay ugu yimaadeen,  isagoo  uga waramay  qaabka ay ka dawladd ahaan ula macaamilaan Qaxoontiga waddanka jooga, sidoo kalena u sheegay in loo baahan yahay iskaashi buuxa oo wax loogu qabto dadkaasi colaaduhu soo barakiciyeen ee qaxoontiga ah.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here