Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Qodobadii laga wada hadlay + Sawiro

0
758

Madaxweynaha Somaliland oo qaabiley Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo Qodobadii laga wada hadlay + Sawiro

 

WAR-SAXAAFADEED: 02/02/2019-(SL)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar.

 

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

 

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi.

 

 

Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here