Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga 

0
1010
Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga 
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Tacsi Madaxweyne: 21/01/2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Safiya Maxamed Faarax (Safiya Jabaan) oo ku geeriyootay caawa oo ay taariikhdu tahay 21/01/2019, Magaalada Hargeysa.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumadda Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gafaadhi) oo ay xaaskiisa ahayd.
 
 
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. 
 
 
Aamiin Aamiin Aamiin
 
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here