Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray golayaasha Guurtida, wakiilada iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij)

0
732

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray golayaasha Guurtida, wakiilada iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij)

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Tacsi Madaxweyne: 13/01/2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil (maayakharij) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 13/01/2019, Magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Marxuumka, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyada Axmed Xaashi Cabdi oo uu aabbihii ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka mida tiirarkii lagu aas-aasay golaha guurtida Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo halgamadii kala danbeeyey ee loo soo maray dalka. 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha guurtida, wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here