Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyadeeyey qoyska reer Afqalooc iyo Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Geerida Marxuum Xil Siciid Afqalooc oo ku  Ingiriiska

0
149

Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyadeeyey qoyska reer Afqalooc iyo Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa Geerida Marxuum Xil Siciid Afqalooc oo ku  Ingiriiska

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
TACSI MADAXWEYNE: 24 /12/2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed Cali (Siciid Afqalooc) oo ku geeriyooday Shalay galab oo ay taariikhdu ahayd 23-12-2018, Dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa ku timid Marxuumka Dhammaan qoyska reer Afqalooc iyo golaha deegaanka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here