Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Berbera Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Jimcaha

0
895

Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Berbera Kala Qayb-galay Tukashada Salaadda Jimcaha

Berbera-30-11-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil kala qayb-galay tukashada salaadda Jimcaha.

Madaxweynaha oo weli ku gudo jira safarkiisa shaqo ee uu ku marayo gobollo kamid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta salaadda Jimcaha shacabka kula tukaday masji-jaamaca weyn ee magaalada Berbera oo ay buux-dhaafiyeen dadweyne aad u tiro badan.

Shacabka maanta ku sugnaa masjid-jaamaca weyn ee magaalada Berbera, ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynuhu kala qayb-galo salaadda Jimaca, waxana ay fursad u heleen inay madaxweynaha salaamaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here