Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Oo Tacsi u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo saaka ku geeriyooday Hargeysa

0
1528

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL Oo Tacsi u diray Ciidamada Qalabka Sida iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo saaka ku geeriyooday Hargeysa

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI: 15 /11/2018-(SL)-Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud), waxa uu tacsi u dirayaa Dhammaan Saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifle ilaa dable, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xidigle Cabdi Xasan Jaamac (Dhaban-leexshe) oo ka mid ahaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada JSL, muddo dheerna ka tirsanaa isagoo ka mid ahaa ciidankii lagu aas-aasay ilaalada madaxtooyada Somaliland.

 

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu tacsi taa la mida u dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ubadkii, ooridiisi iyo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Marxuumku.

 

Marxuumku waxa uu beryahan u jiifay xanuun ayaa loo diray dalka dibediisa, balse laga soo celiyey dhawaan ayaa saaka subaxnimadii hore ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa, waxaana lagu aasay maanta Xabaalaha sheekh Cumar ee magaalada Hargeysa.

 

Waxaanu Taliyuhu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, ubadkii, ooridiisi iyo dhammaan ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Aamin…..Aamin ……Aamin.

 

Sareeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bullaale (Af-guduud)

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada JSL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here