WADDANI-YOW Haddaad Hibasho Kursi iyo Hammuun Qabtaan Doorashooyin Way Soo Socdaane Badka Kaalaya

0
835

 WADDANI-YOW Haddaad Hibasho Kursi iyo Hammuun Qabtaan Doorashooyin Way Soo Socdaane Badka Kaalaya

 

Hargeysa-11-11-2018-(SL)-Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo maanta u jawaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa yidhi “Maalmahan waxa shaashadaha ka muuqday xisbiga waddani oo hadalku qandho ku noqday,qandho waxa ay ka hadleen amniga dalka iyo nabadda Somaliland siyaasadda arrimaha dibedda iyo ta gudaha.

 

Waxaan inyar sharaxad ka bixinayaa hadaladoodii Muddadii xukuumada madaxweyne Muuse Biixi talada dalka hoggaminayey geeddiga horumarka waa la dardar geliyay, waxana lagu jaangooyay waxqabad muuqda iyo jihaynta shacabka ee is kaashiga iyo isku filaanta, taasina waa siyaasada madaxweynaha ee salka ku haysa wax soo saarka iyo himilada ummadda.

Indhaha caafimaadka qabaa waa arkaan laakiin ninkii daaf indhaha kaga dhacay wuxu doorbidayaa inay dadkoo dhan daafaan, waxanse leeyahay dawadu waa horumarka dalkga inaad dareento Siyaasadda Somaliland ee arrimaha dibadda iyo arrimaha guduhu doorkoodi shaqo waa gudanayaan, qarankana way u adeegayaan ee xisbiga WADDANI aragtidiisa iyo agtiisa hawsha kuma oofiyaan laakiin aragti la”aanta iyo irdhowga idinku dhacay waa bisayl la’aantii tartankii kursiga taasna waxa laga bartaa been abuur iyo hafar “war WADDANIYOW hadii dhegta la gooyo daloolkaa hadha”.

Somaliland xisbiyadu waa xarbiyeen, xukunka dalkana xeerkaa u kala xulay oo cod baa lagu xaqiijiyey doorashadii madaxtooyaduna way dhammaatay haddaad hibasho iyo halacsi kursi u hammuun qabtaan Doorashooyin way soo socdaane badka kaalaya.

KULMIYE muddo xileedkii hore isago 2 (Laba) sano jooga ayuu qabtay doorashadii deegaanka oo muddo-dhaaftay, ta wakiilladana wuu qaban lahaaye waxa golaha 12-sano guddominayey guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Cirro oo meel marin kari waayey xeerkii doorashada lagu geli lahaa, tahlina kari waayey jaan-goynta saami qaybsigii golaha, awoodina waayey inuu is casilo oo kursiga banneeyo kol haduu taag iyo maaro u waayey, “Nin hadduu seexdo oo soo tooso waa kiisii.”, maantana WADDANI baa hadal iyo hoosiis ku haya qabsoomidda doorashada, raaadkaagaa dib loo raacaa intaanad hadal la roorin Xukumadda madaxweyne Muuse Biixi ee xisbiga KULMIYE waa ka go’an tahay Amba qaadka geeddiga dimuqraaddiyadda ee doorashadu waxa la yidhi, “nin hullaab xumi inuu wax qarsanayaa la moodaa “

Madaxweynuhu wuxu madaxda xisbiyada ugu yeedhay talo wadaag ixtiraam iyo maamuus, hadiise madaxda WADDANI qiimihii lagu sooray u qaateen sawirro lala gelayo waa nasiib-darro weyn iyo sabool siyaasaadeed, saadka siyaasadda iyo sunnaha xisbiyadu waa sahanka shacabka ee dimuraaddiyadda laakiin haddaad ka sasto libta iyo guusha qarankaaga u suuragalay ugama sokaysid kuwa diiddan sarrayntaada.

WADDANI hore wuxu ugu sifoobay inuu ka hor yimaaddo horumarka maal-gashiga ee qarankan indhaa caalamka ku soo jeediyey, ummaddana loogu doonay shaqo abuur iyo rejo lagu hago rag waaweyn oo madaxda xisbiga ah baa lahaa waa been, waa taas la dhagax dhigay ee la dhisayo welina waxay shaashadda la taagan yihin tii war miyaan laga waantoobayn oo lays xisaabinayn, way kaydsan yihiin hadalladii aydin dalkiinna iyo dadkiinna ugu diidayseen waxa soo kordhay iyo karaamada ummadda loo keenay, Waar WADDANIYO “hoostii daye hareertii ma dayo.”

Maanta dalkeenna cadow badan baa ku hareeraysan oo u hanqal taagaya, gobonimadu waa in markaas oo kale danta guud gorodda laysu geliyo, xukuumadduna adkaynta amniga iyo xaqiijinta xuduudaha xil weyn bay iska saartay, maantana inaad amnigii iyo nabaddii Somaliland ku tisqaadday aad beelo walaalo ah oo dirir dhex martay u bedeshaan buunbuunin colaadeed oo dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmay tiro-koob billaysan la timaddaan oo geeridoodii u kala abtirisaan oo xoghayaha xisbiga WADDANI dheel-dheel iyo dhayalsi kaga dhawaajiyo waa durbaan dagaal iyo dad isku dir, ma jirto mana dhicin meel maalin iyo bil dad intaas le’eg lagu laayey ama lagu laayo, xoghayuhu isagaa sidaa shaaciyay.

waa ayaan-darro weyn iyo doorkiinnii ka qayb-galkii nabadda beelaha aad hore u gabteen inaad hadal ugu dartaan, waxana aad garowshiiyo siiseen nin dalka fidno iyo fad-qalallo ka galay, fallaagona noqday, taasina waxa ay muujisey dareenka aad ka qabtaan “hunnu hunnnu hadal ma aha hinbiriirsina arag maaha.”

Ragga miciin biday siyaasadda madhalayska ah ee mala’awaalka iyo maaweelada lagu maalayo waxaan leeyahay qarankani waa ka macno weyn yahay maalintii marmarsiiyaha beenta ah ummadda lagula dhex wareegayey, waxanse odhan lahaa madax laguma noqdo maagna laguma helo, meelna laguma gaadho midabaynta iyo kala muujinta weji-ku-macaashka ah ee shacabkaaga.

Ugu danbayn siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi qarankan ku maamulayo annana adeegayaasha ugu nahay waa waxqabadka shacabka wada-jirka ummadda iyo horumarka dalka shacabkuna waxan u soo jeedinayaa inay nagu garab galaan, waana arkaan waxtarka loo wado WADDANI-na waxaan ugu baaqaya inay danta guud iyo dadaalka dalka ka socda arkaan, iskana daayaan inay u xusul duubnaadaan xasaradda xinka iyo xanafta ay dadka ku xoqayaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here