Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan la Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Ka Socda Qaramada Midoobay + Sawiro

0
963

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Kulan la Yeeshay Wefti Ballaadhan oo Ka Socda Qaramada Midoobay

 

Hargeysa-04-11-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda qaramada midoobay oo uu hoggaaminayo ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Somaliland, Mr. Nicholas Haysom.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdiga ka socda qaramada midoobay, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  wasiirrada  arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Somaliland, Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), waxana diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidha Somaliland iyo qaramada midoobay iyo sidii loo joogtayn lahaa ka midho-dhalinta xidhiidhkaas.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay kamid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga qaramada midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”

 

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Nicholas Haysom oo isaguna si kooban uga hadlay kulanka uu madaxweynaha la qaatay, ayaa si hufan uga mahadceliyey fadhigaas iyo waxyaabaha  ay labada dhinac isla soo qaadeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulankaasi ahaa mid yididiilo cusub oo midho dhal leh keeni kara.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here