Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sanad-Guurada 25-aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaska Ciidanka Booliska + Sawiro

0
1522

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sanad-Guurada 25-aad Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaska Ciidanka Booliska

Hargeysa-03-11-2018-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay xus ballaadhan oo loo sameeyey sanad-guurada 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska oo maanta ku beegan.

 

Munaasibadda xuska 25-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo lagu qabtay xarunta guud ee ciidanka Boolisku ku leeyahay caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed,  taliyaha ciidanka Booliska, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, saraakiisha iyo saraakiil-ku-xigeennada kala duwan ee ciidanka Booliska, diblomaasiyiin ka socday dalalka Somaliland ka caawiya dhinaca tabobarrada ciidamada Booliska, qaar kamid ah golaha wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Kala duwan ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, madax katirsan axsaabta qaranka, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya marxaladihii kala duwanaa ee uu ciidanka Boolisku soo maray, guulaha uu gaadhay, hiigsiga horumar ee dhinaca mustaqbalka ah iyo riwaayad la magac baxday qarannimo iyo qabiil kala dheer.

 

Ugu horrayn taliyaha Hawl-gelinta ciidamada Booliska Somaliland,  gaashaanle sare Cabdiqani Ciise Maygaag oo madasha ka hadlay, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday horumarka ay ciidamada Boolisku ku tallaabsadeen iyo doorka lama illaawaanka ah ee ay kaga jiraan nabadda iyo xasilloonida dalka, waxaana uu tilmaamay inay Boolisku si buuxda u hanteen ammaanka guud ee gudaha dalka.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna si guud u hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanku u tafo-xaydan yihiin daminta shaqaaqo kasta oo ammaanka dalka ka dhan ah, waxana uu madaxweynaha ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee uu madaxweynuhu ugu hagar-baxay dhammaanba baahiyaha kala duwan ee ciidanka Booliska.

 

Taliyaha ciidanka Boolisku waxa sidoo kale shaaciyey inay kor u qaadeen heerka baadhiseed ee ciidamada Booliska, isla markaana ay leeyihiin awooddii ay ku baadhi lahaayeen nooc kasta oo dambi ah, “Ciidanka Boolisku waxa ay maanta awood u leeyihiin inay baadhis ku sameeyaan qalabka Electaroonigga, sida moobillada, laabtoobyada iyo guud ahaanba qalabka kale, waxa kale oo ay horumar ka gaadheen qaadista faraha, taas oo keentay inaanay lumi Karin cid kasta oo dambi caadaysatay, waxa kale oo ciidanka Booliska kusoo kordhay Laab casri ah oo lagu baadho raadadka dambiyada” ayuu yidhi taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna munaasibadda sanad-guurada 25-aad ee Aas-aaska ciidanka Booliska hadal kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ciidanka ku hambalyeeyey horumarka ay ku tallaabsadeen, isaga oo caddeeyey inuu horumarkaasi gaadhay heer bulshada caalamku ka markhaati kacdo nabadda iyo deggenaanshaha dalka ka jira, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ciidankeenna Boolisku maanta waxa uu marayaa meel uu dalku ku faano, ummadduna ay ku jeclaato oo uu nabadgelyadii qarankiisa hubiyey, caalamkuna ku majiirto inay Somaliland meel deggen tahay oo ciidan Boolis iyo kala-dambayni ay jirto.”

 

Madaxweynuhu waxa uu la dardaarmay ciidanka Booliska, waxana uu tilmaamay sifooyinka wanaagsan ee laga rabo iyo sida ay lagama-maarmaanka u tahay inay bulshadu kusoo hirato, “Waxannu doonaynaa inuu booliskeennu noqdo mid ay dadka saaxiib yihiin oo carruurtu marka ay aragto ay ku faraxdo, waxaynnu higsanaynaa oo aynnu doonaynaa inuu Booliskeennu noqdo mid dadka taagta darani ay kusii hirtaan oo aanay ka cararin, waxannu doonaynaa inuu Boolisku noqdo mid ka argagixiya oo ka hortagga dambiilaha iyo qofka fidno-walaha ah,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana isaga oo ka hadlay baahida loo qabo in Booliska iyo shacabku wada-shaqeeyaan uu intaas ku daray, “Dadweynaha waxa aynnu ka doonaynaa inay Boolis wada noqdaan oo Booliska la shaqeeyaan, taasna waxa aynnu ku hanan karnaa innaga oo dadka iyo Booliskaba wacyigelin xoog ah siinno, qofka Booliska ahina sharciga ayuu metelayaaye, waa inuu dadka baraa inay sharciga jeclaadaan, dadweynuhuna waa inay hiil iyo hooba la garab istaagaan.”

Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here