Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Dufcadii 6aad Ee Ka Qalin-jebisay Jaamacada Timo-cadde Ee Magaalada Gebilay + Sawiro

0
860

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Dufcadii 6aad Ee Ka Qalin-jebisay Jaamacada Timo-cadde Ee Magaalada Gebilay.

Gabiley-30-10-2018-(SL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay qalin-jebinta dufcadii 6aad ee jaamacadda Timo cadde ee magaalada Gebilay.

xafladda Qalinjebinta oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa halkaasi khudbad kooban ka jeediyay Guddomiyaha jaaamacada Timo-cadde isagoo ka xog waramay guulaha ay jaamacadu ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay.

Xubno isugu jiray wasaaradda waxbarashadda iyo masuuliyinta gobolka ayaa iyaguna hambalyo u diray ardayda, waxaanay xuseen in magaaladda gebilay ay horumar fiican ka samaysay dhinaca waxbarashada .

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ardayda khudbad u jeediyay ayaa hambalyo u diray dhamaan ardayda qalin-jebisay, waxaanu xusay Madaxweyne ku-xigeenku in ardayda kumanaanka ka badan ee sanad kasta qalin-jebinaysaa ay yihiin horumar uu qaranka Somaliland gaadha, waxaanu madaxweyne ku-xigeenku ardayda kula dardaarmay inay waxbarashadooda sii wataan ilaa heer sare.

Gaba-gabadii waxa madaxweyne ku-xigeenku ardayda guddonsiiyay shahaadooyin iyo abaal-marino kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here