Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Islaamiga Ah Ee Beder

0
1029

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Oo Ka Qayb Galay Xafladda Qalin-jebinta Jaamacadda Islaamiga Ah Ee Beder

 

Hargeysa-28-10-2018-(SL)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay munaasabad ay 250 arday kaga qalin-jebinayeen Jaamacadda Islaamiga ah ee Beder faraceeda magaalada Hargaysa.

 

Xafladani oo si weyn looga soo qayb-galay ayaa wax ugu horayn warbixin ka bixiyay hawlaha jaamacadda, guddomiyaha Jaamacadda beder isagoo sheegay in Jaamacadii soo saarto culimo dadka uga faa’ideeya diinta islaamka iyo culuumta bangiyadda islaamiga ah.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ardayda hadal kooban u jeediyay ayaa ugu hambalyeeyay guusha ay gaadheen, isagoo madaxweyne ku-xigeenkuna ballan qaaday in xukuumadda Somaliland ka dhabayn doonto ballan qaadkii dhalinyaradda ee ahaa shaqo-abuurka iyo in dawladu horu mariso xoojisana adeegyada gaarka loo leeyahay  waxaana kamid ahaa hadaladii Madaxweyne ku-xigeenka” Aad iyo aad ayaan idiinku hambalyaynayaa, waxaan rajaynayaan inaad waxbarashadiina sii wadataan, annaguna wax aanu idin kala hadhaynaa ma jiro, dawladda Somaliland dadaal dheer ayay ku bixinaysaa shaqo abuurka hase yeeshee dalkii wuxuu noqday dal hal tukaan leh tukaan kaasina wuxuu noqday xukuumadda, annaguna awood uma lihin inaanu waxaasoo dhalinyara wada shaqaalaysiino laakiin waanu dadaalaynaa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Ugu Danbayntiina waxa halkaasi ardayada lagu guddoonsiiyay shahaadooyin iyo abaal-marino kale.

Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here