Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ka soo saaray Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

0
913

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ka soo saaray Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Hargeysa(SL)WAR-SAXAAFADEED: 24/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-224/102018, ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 Wareegto Madaxweyne

 

 Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

 Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markaan Tixgeliyey:        Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

 Markaan Dersay:             Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

 Waxaan go’aamiyey;

 In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here