Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Koonfurta Gobolka Sool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa

0
926

Madaxweynaha Somaliland Wuxuu Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dirirtu Ku Dhex Marayso Koonfurta Gobolka Sool, Maamulka Gobolka Iyo Hay’adaha Amnigana Farayaa Inay Tallaabo Adag Ka Qaadaan Cidkasta Oo Nabadda Doc-Wareemaysa

Hargeysa-(SL)-Baaq Madaxweyne: 23/10/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay koonfurta gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Dhumay.

Dagaalka dhumay ee wakhtigani maaha mid la aqbali karo, mana aha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladdaas, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelahaas walaalaha ah.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland si adag u tilmaamay in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo sidan u khasaare badani ay ku soo noq-noqoto deegaankaas koonfurta gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata colaadaa soo noq-noqotay.

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada soo gaadhay.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here