Madaxweynaha Somaliland Waxa uu Hambalyo u dirayaa Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u huray xornimadda & madax-bannaanida dalka xilliyaddii kala duwan

0
1017

HAMBALYADDA MAALINTA XUSKA SHUHADADA

Madaxweynaha Somaliland Waxa uu Hambalyo u dirayaa Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u huray xornimadda & madax-bannaanida dalka xilliyaddii kala duwan

Hargeysa-17 /10/2018-(SL)-Maanta waa xuskii Geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdoodaba u soo huray xornimadda iyo madax-bannaanida dalkeena xilliyo kala duwan. Ka soo bilow Halgankii Gobonimo-doonka Daraawiishta, kacdoonkii Culimida, aqoonyahanka, Suugaanleyda, halgankii gobonimo-doonka ahaa ee Axsaabta Siyaasadda, halgankii hubaysnaa ee SNM iyo halganka  naftood hurayaasha ilaa maanta naftooda saymaha u galiya difaaca jiidaha hore ee dalka.

 

Waxaan Alle uga baryahaa in uu ka waraabiyo naxariistii janno inta dhimatay, inta noolna, umadda Somaliland waxa waajib ku ah in ay xurmo, xasuus iyo sharafba u hayaan dhammaan geesiyaashii naftooda u soo huray dalkeena.

 

Dhammaanteen, shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee xariirta ah iyo Xukuumadba, waa in aan ka qayb-galnaa sugidda iyo qoraalka taariikhda guunka ah marxaladihii isdaba-jooga ahaa ee dalku soo maray, si jiilalka soo socdaa u bartaan sooyaalkeenii nololeed. Taasi waxa ay faa’iido u tahay in faca mustaqbalku ka baydho khaladaadkii aynu soo marnay, kuna tanaado waayo-aragnimaddii aynu ka dhaxalnay iyo in ay yeeshaan han iyo isku kalsooni marka ay arkaan taariikhda faca-wayn ee dalkeena. Waxay wax ka taraysaa isku duubnida iyo wada-jirka Qarankeena. Waxa ay dib innoo xasuusinaysaa halgannadii, barwaaqadii iyo maalmihii adkaa ee aynu soo wada marnay.

 

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan geesiyaashii naftooda, maalkooda iyo maskaxdooda u soo huray dalka, ee uu ugu dambeeyey halgankii hubaysnaa ee SNM, maalinta Xuska Shuhadada ee 17 October darteed. Waxaanu u haynaa geesiyaashaa dhammaantood xurmo iyo xusuus aan duugoobayn.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here