Xukuumada Somaliland Oo Bilaabaysa Casriyeynta Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha Dawladda  Iyo Xisaab U Gaar Ah “Account” Oo  Shaqaale Walba Looga Samaynaayo Baanka Dawladda

0
1060

Xukuumada Somaliland Oo Bilaabaysa Casriyeynta Nidaamka Mushahar Bixinta Shaqaalaha Dawladda  Iyo Xisaab U Gaar Ah “Account” Oo  Shaqaale Walba Looga Samaynaayo Baanka Dawladda

“Shaqaalaha  Dawlaada Somaliland Ayaa Ah Kuwo Imika Tiro Ahaan Sugan,  Siyaasado Intii Ay U Baahnayeena  Loo Diyaariyey  Iyada Oo Imikana La Horumarinayo Nidaamka Mushahar Bixintooda…” Md Sharmarke  Geelle

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa bilaabaysa qorshe Carsiyeysan oo Nidaamka Muhahaar Bixinta Shaqaalaha Dawladda loo sameyn doono, waxaana  qof kasta oo shaqaale dawladdeed ah loo sameyn doona nidaam Xisaabeeb  oo u gaar ah (Personel Account) kaasi oo shaqaale walba gaarkiisa looga sameyn doono Baanka dhexe.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqalaha dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud Geedi iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahin “Baqdaadi” iyo waliba Agaasimaha Guud ee baanka dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo, ayaa kulan saddex geesood oo iskugu yimaadeen Xarunta Hay’adda shaqaalaha dawladda, waxa iskula qaatay Qorshaha  bilowga  casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda  halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo, nidaamkani oo Somaliland ku biirin doona inay  la jaanqaadi doontoa nidaamadda caalamiga ee dawladdaha Caalamka iyo shaqaalahoodu dhinaca mushahaar bixinta u ku wada macaamilaan lacagahana mushahaarkana qof kasta oo shaqaale dawladdeed ahi markay bishu dhamaato (Account)-kiisa lacagta uu xaqa u leeyahay loogu shubo.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo tafaasiil ka bixinaayey nidaamkani casriga ee dawladda Somaliland dooneyso inay shaqaalaheeda dawladda u shaqeeya ugu sameynayso qaabka mushahaar bixinta qof kasta oo shaqaale dawladdeed ah waxa uu hadalkiisu u dhignaa sidan.

–           Kulan Saddex geesood ah oo ay maanta isugu yimaadeen Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Baanka dhexe ee Dawladda iyo Xisaabiyaha Guud ee qaranka ayaa la  iskula qaatay  bilowga  casriyeynta nidaamka mushahar bixinta shaqaalaha dawladda  halkaas oo shaqaale walba loo samaynayo xisaab u gaar ah oo mushaharka loogu shubo

–           Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii Hay’adda Shaqaalaha Dawladu soo dhamaysay tirintii Shaqaalaha Dawladda halkaas oo loo gudbiyo tayeyntii shaqaalaha dawladda oo ay kamid tahay casriyeynta  nidaamka mushahar bixinta

–           Gudoomiyaha Baanka Dhexe iyo Agasimaha Guud ee Baanka Dhexe ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid qaran ahaan u keenaysa sumcad wanaagsan sida oo kalena kor u qaadaysa dhaq-dhaqaaqii baanka dhexe  iyaga oo  dhanka kalena tilmaamay  in ay xoog iyo xirfad ahaanba diyaar u yihiin in ay shaqadaa qabtaan.

–           Dhanka kale,  Xisaabiyaha Guud oo kulankan qayb ka  ahaa ayaa xusay sida ay tallaabadani kor ugu qaadayso nidaamka la xisaabtanka isaga oo xusay in nidaamkani la dagaalmi doono in mar dambe caagle ama qof aan jirin samaysmo, maadama qof walba account yeelanayo.

–           Shaqaalaha  Dawlaada Somaliland ayaa ah kuwo imika tiro ahaan sugan,  siyaasado intii ay u baahnayeena  loo diyaariyey  iyada oo imikana la horumarinayo nidaamka mushahar bixintooda

–           Ugu dambayn, qorshahan ayaa kamid ah dedaalada loogu jiro  dib-u-habaynta Shaqaalaha Dawladda,  maamul-wanaaga , la-xisaabtanka iyo kor u qaadida  tayada iyo tamarta Shaqaalaha Dawladd.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here