Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyo Deegaannada Ku Hareeraysan

0
915

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyey Magaalada Gabiley Iyo Deegaannada Ku Hareeraysan

 

Gabiley-06-08-2018-(SLN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay hawlo shaqo oo ay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal u tageen, ayaa magaalada Gabiley iyo tuulooyinka dhinaca galbeedka ka xiga waxa ku qaabilay mawjado dadweyne ah caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, kuwaas muujiyey sida ay ula dhacsan hoggaamintiisa iyo horumarka uu qaranka ku hagayo.

 

Madaxweynuhu waxa uu dhex lugeeyey kumannaan katirsan shacabka reer Gabiley oo isugu jira, waayeel, waxgarad, aqoonyahan, siyaasiyiin, haween iyo dhallinayaro, kuwaas oo dhaweyntiisa isugu soo baxay, si uu ula wadaago dareenka soo dhaweynta iyo farxadda isugu jira ee ay ku qaabileen.

 

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo soo dhaweynta kaddib warbaahinta u faahfaahiyey ujeeddada safarka madaxweynaha ee gobollada galbeedka iyo hannaanka soo dhaweynta lagu qaabilay, ayaa waxa uu yidhi, “Ujeeddada safarka madaxweynaha ee gobollada Galbeedku waxa ay daarran tahay sidii uu ugu guur-geli lahaa xaaladaha ka jira gobollada Galbeedka, hannaanka geeddiga horumarkana uu u xaqiijin lahaa, iyada oo ay deegaannadaas ka socdaan mashaariic horumarineed, kuwaas oo safka hore kaga jira siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.”

 

Af-hayeenku waxa uu ka warbixiyey qorsheyaasha madaxweynaha ee muddada uu safarkiisa ku dhex jiro, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulamo uu xaaladda deegaannadaas ugu kuur-gelayo la qaadan doono waxgaradka iyo masuuliyiinta gobolka, “Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay gobolka Gabiley waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha dawladda, si uu u xaqiijiyo hawlaha horumarineed ee xukuumaddu ka waddo gobolka gabiley,” ayuu yidhi af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.

“Dhammaad”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here