Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Shirkii Brussels, Nabadaynta Ka Socoda Degmada Ceel-afweyn Iyo Doorashooyinka Sanadka Soo Socda Qorshaysan + Sawiro

0
844

Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Shirkii Brussels, Nabadaynta Ka Socoda Degmada Ceel-afweyn Iyo Doorashooyinka Sanadka Soo Socda Qorshaysan

“Horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

 

Hargeysa-21-07-2018-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faah-faahsan uga hadlay,  shirkii dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka ee lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya,  nabadaynta lagu turxaan-bixinayo beelaha walaalaha ah ee ka socota degmada Ceel-afweyn iyo doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda dalka ka qorshaysan.

 

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada  u sharraxay ujeeddada shirkii dhawaan kusoo dhammaaday dalka Beljamka  iyo ciddii lagula hadlayey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu shirkaasi ahaa mid aan u qalmin inay Somaliland ka qayb-gasho, islamarkaana aanay marnaba Somaliland ka xaadiri doonin madal meeqaamkeeda iyo dawladnimadeeda waxyeello ku ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa loo qabtay, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu shaaciyey inay yaab iyo amakaag ku noqotay tegitaankii madasha shirka ee guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng. Faysal Cali-waraabe, waxaana uu xusay inay arrintaasi tahay mid u baahan in dib loogu noqdo, “Iyadoo arrintu halkaas taagan tahay, ayaa waxa shirka tegay guddoomiyihii xisbiga UCID, maanu ogayn oo nagalamuu tashanin, waana wax inagu cusub iyo wax u baahan in dib la isaga arko, isaga iyo ciddii la socotayba amakaag bay nagu noqotay, shacbigu iyagaa waxan ilaashanaya oo ku mahadsan, xaqna waxa ay noogu leeyihiin inaanu dareenkooda ilaalino,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay shirka nabadaynta ah ee beelaha walaalaha ah uga socda deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, waxaana uu u rajeeyey guul iyo nabad buuxda oo halkaas ka dhalata, waxaana uu yidhi, “Shirka nabadaynta ah ee ka socda Ceel-afweyn, haldoorka reer Somaliland ee madax-dhaqameed leh, culimo leh, taajir leh ee siyaasi leh, waa shirkii saddexaad ee ugu weynaa Somaliland, marka laga soo qaado kii Burco iyo kii Boorama. Waanu u ducaynaynaa, hareeraha ayeynu iska taagaynaa, waxaana aynu ka rajaynaynaa inay arrintaasi inagaga soo dhammaato nabad, dadkaas dhibaatadu afarta sano haysatayna ay ku walaaloobaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu xusay in qoor-weynta iyo guurtida shirka ku sugan looga fadhiyo inay garta axadhaan, isla markaana runta u kala sheegaan beelaha walaalaha ee xurguftu dhex-taallo, si xukuumaddu u hirgeliso waajibkeeda fulineed, “Nabaddu waxa ay ku imanaysaa inaan  maalin walba la odhanin kii gar-darraana halla dhawro, kii dulmanaana dulqaado’e  in ninka garta daran maxkamad la taago oo shirkaasi weyni ciddaas ayaa gardaran, tallaabadaasna waa laga qaadayaa, qof qudha oo garsaare ah, ayaa go’aan adag gaadha oo markaan eegay sidaas ayey ila noqotay yidhaahda’e shirweyneyaasha waxa aynu ka sugaynaa ama ka Ceel-afweyna ha noqoto ama ka xukuumadda iyo Baarlamaanka ha ahaatee in shirka la isugu yimaaddaa inuu gaadho ciddaas ayaa qaldan, ciddaasina gar bay leedahay, haddii kale waa la isku wareegaalaysanayaa uun,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee qorshaysan sanadka soo socda ee 2019-ka, waxaana uu sheegay inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay  sidii shacabka loo siin lahaa fursad ay kusoo doortaan cidda ay igmadaan ama la helo fursad waqti oo caqabadaha taagan meesha lagaga saaro, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Bisha March, 2019-ka, waxa ku beegan doorashooyinkii Baarlamaanka iyo golaha deegaanka, doorashaduna waxa ay kamid tahay waxyaabaha dadku ku walaaloobo oo muddaynu qabsanaa oo la yidhi qofku xilka ha hayo, waxaana sidaas loo yidhi in dadku is beddelo, dadkayaga dadku doorteen ee madaxtooyadu kamid tahay ee goleyaashu kamid yihiin, xaq waxa naloogu leeyahay ummaddu ammaanadii ay noo dhiibatay in waqtigeedii lagu soo celiyo, haddii ay duruufo yimaaddaanna in muddo kooban la maareeyo, arrintaasina waa muddo-dhaaf dheer hawsheeduna way inoo taaallaaye waxa aan mar labaad ku celinayaa inaynu doorashooyinkii qabanno innaga oo Somaliland ah oo aynu kaligeen isku gashanno.”

 

#Dhammaad#

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here