Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Aadan Xaashi Cilmi

0
37

Madaxweynaha Somaliland oo Tacsi u diray Shacbiga Somaliland iyo Eheladii uu ka baxay Marxuum Aadan Xaashi Cilmi

TACSI MADAXWEYNE-30/06/2018-IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Aadan Xaashi Cilmi oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 30/06/2018, magaalada Hargeysa. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaa ku timid Marxuum Aadan Xaashi Cilmi, dhammaan reer Xaashi Cilmi.

 

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay shacbiga Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii loogu jiray dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here