Daawo kalgacayl Soomaaliyeed bay ahayd iyo inay Soomaaliyi midowdo, sidaas ayeynu ku yidhaahdeen wax walba walaaltinimada ayaa ka weyn oo iyaguna(Soomaaliya) aanay waxba u hambaynin

0
812

“Somaliland waxa ay ahayd maxmiyaddii Ingiriiska oo 26-kii June 1960-kii xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska, 27-kii June 1960-kii, Baarlamaankii Somaliland dood buu galay, waxana ay soo jeediyeen in shuruud la’aan lagu raaco Soomaaliya oo markaa aan xorriyad qaadanin oo ahayd qayb jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa xukunto, dooddaas markii laga dooday qolo waxa ay tidhi aynu dib u dhigno ay kamid ahaayeen Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo Garaad Cali Garaad Jaamac, waana halka ay kusoo baxday eraygii ahaa LAA YAA GARAAD, kalgacayl Soomaaliyeed bay ahayd iyo inay Soomaaliyi midowdo, sidaas ayeynu ku yidhaahdeen wax walba walaaltinimada ayaa ka weyn oo iyaguna(Soomaaliya) aanay waxba u hambaynin, ayey dhammaanba qarannimadii isku rareen, wixii ka dhacay baana ka dhacay oo soddon sano oo colaad iyo dagaal jirey ayey Somaliland qarannimadeedii xoog dib ugula soo noqotay, markii ay Somaliland ay xorriyaddeeda lasoo noqotay 1991-kii, 28-sano oo ka dambeeyeyna waxa ay inagula jireen dagaal iyo cuno-qabatayn oo ay ugu dambaysay taas maanta socota oo ah weerar colaadeed oo aan kala hadh lahayn iyo inay weliba waxa Somaliland lagu caawinayo ay caalamka ku yidhaahdaan lama caawin karo,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here