Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Umadda Islaamkaba Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-Fidriga Awgeed  

0
877

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Shacabka Reer Somaliland Iyo Umadda Islaamkaba Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidul-Fidriga Awgeed

 

Hargeysa-14-06-2018-(SN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda ciidal-fidriga ee sanadka 1439-ka.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa munaasibadda ciidul-fidriga darteed, waxa uu shacabka reer Somaliland, Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii ay kusoo jireen bishii barakaysnayd ee Ramadaan, uguna beddelo dambi-dhaaf iyo cafis, waxaana uu yidhi, “Munaasibadda ciidul-fidriga awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa dhammaanba ummadda Islaamka meel ay joogtaba, gaar ahaan ummadda reer Somaliland, Ilaahay isaga ayaa awood leh ee ha inaga aqbalo soonkii, ducadii iyo cibaadadii aynu bishan Ramadaan soo gudannay muslim ahaan, Ilaahayna dambi-dhaaf ayeynu ka baryeynaa, wixii dhibbana dhibta haka qaado.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale, ummadda reer Somaliland u rajeeyey inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan barwaaqo iyo horumar, kana midho dhaliyaan hiigsigooda dhinaca horumarka ah ee ay ku jiraan,“Ummadda reer Somaliland meel ay joogaanba waxan u rajaynayaa  sanadkan sanadkiisa barwaaqo iyo bash-bash ha ku gaaadhaan, Ilaahay abaarihii wuu inaga jabiyee nimcadana khayrkeeda ha ina siiyo, nabad iyo caano, horumar, colaad la’aan, caydh la’aan iyo cudur la’aan ayeynu Ilaahay  ka rajaynaynaa, Ilaahay idankiina bishan bisheeda waxaynu ku gaadhi innaga oo halkan aynu joogno meel ka fiican joogna,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u kala diray guud ahaan shucuubta Islaamka iyo in ka badan 40 (Afartan) dal oo uu madaxweynuhu qoraalo Hambalyo ah ugu gudbiyey Hambalyada Ciidal-fidriga awgeed.

Wa-bilaahi tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here