Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Xilalkii u kala Wareejiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada iyo Agaasimaha Cusub

0
1054

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xilkii u kala wareejiyey agaasimihii hore ee madaxtooyada iyo agaasimaha cusub ee uu madaxweynuhu dhawaan u soo magacaabay.

Munaasibadda xil-wareejinta oo maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Marwo Yurub Abiib, Agaasimihii hore ee madaxtooyada Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis, Agaasimaha cusub ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, af-hayeenka madaxweynaha, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, madax-qaybeeddada waaxaha kala duwan ee madaxtooyada, shaqaale weynaha madaxtooyada iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu sagootinayo agaasimihii hore, isla markaana lagu soo dhaweynayo agaasimaha cusub ee madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi dhawaan soo magacaabay.

Agaasimihii hore ee madaxtooyada, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis oo halkaas ka hadashay, ayaa ku dheeraatay heerarkii kala duwanaa ee ay madaxtooyadu soo martay iyo dedaalladii ay soo gelisay sidii ay uga midho dhalin lahayd hadafka shaqada laga leeyahay, waxaana ay si mug leh u ammaantay guud ahaanba shaqaalaha xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Marwo Khadra Xaaji Geydh, waxa ay si isku duubni ah u ammaantay shaqaalaha xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay shaacisay in horumarka ay madaxtooyadu ku tallaabsatay aanay suurogasheen iyaga la’aantood, iyada oo carrabka ku adkaysay dedaalkii shaqo ee ay muujisay, waxaana ay tidhi, “Shaqada waan ku ad-adkaa, anigaana naftayda ka jari jirey, waxaana aan ugu talo galay in aan dalka habeen iyo maalinba u shaqeeyo, qof kasta oo muwaadin ahna waxaan ku dardaari lahaa inuu dalka si daacad ah ugu shaqeeyo, qofkuna waa inuu ama shaqada ka maqnaado ama ka muuqdo, shaqadii aan hayeyna haddii aanay shaqaalaha madaxtooyada iyo agaasimeyaashoodu ila qabanaynin maan qaban kareen.”

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bidhaamiyey ujeeddada iyo midhaha laga filayo inay soo saaraan shaqaalaha madaxtooyadu, isaga oo tilmaamay inay dhammaantood yihiin diraneyaal fudaydinaya hawsha ay qaranka u hayaan madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisu, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhammaanteen waynu isla jaanqaadi karnaa, waxaana aynu leenahay hal ujeeddo oo ah waxa ay madaxtooyadu u taagan tahay, madaxtooyaduna waxa ay u taagan tahay shicibka ayaa iska leh dhismaha iyo daarta madaxtooyada, inagguna shicibkaas ayeynu u shaqaynaa, taasna waa inaynu ogaannaa, waana inaynaan madaxtooyada u qaadanin meel awood ah oo madaxweynaha iyo ku-xigeenka laga ag dhawyahay oo wareegtooyin kasoo baxaan ama lacagi taallo, waa inaynu ogaannaa inaynu nahay shaqaale u shaqeeya umadda, shaqadeenuna waa inaynu madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa shaqadooda aynu u sahalno.”

Agaasimuhu Waxa uu sheegay inuu dhammaanba shaqaalaha madaxtooyada u sinnaan doono, isla markaana uu qof waliba si madax-bannaan hawshiisa u guto, isla-markaana uu eegi doono natiijada kasoo baxda shaqada uu qaabilsan yahay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hor intii aanu xilka u kala wareejin labada Agaasime, ayaa sheegay, si hufan u sharraxay muhiimadda ay leedahay xilalka qaranka ee uu madaxweynuhu marba cidda hanan karta u cugto, waxaana uu sheegay in qof kasta oo masuuliyad qaran loo igmado ay waajib ku tahay inuu waxqabad iyo horumar sameeyo,“Iyada oo ay sunnaha dawladnimada kamid tahay inuu xilku meerto yahay oo la isku wareejinayo, aad baan ugu faraxsanahay, ujeeddada loo socdaana waa in mar walba hawlaha qaranka la tayeeyo oo qof waliba meesha uu ugu yimaaddo meel ka sarraysa uu gaadhsiiyo, dadka Bani’aadamka ahna qof aan masuul ahayni ma jiro, masuuliyadda aad qoyskaaga u hayso iyo ta aad qaranka u haysaana way isa soo galaan, muhiimadduna waa inuu xilku qofka dhibo oo uu culays ku hayo oo hawsha loo igmaday muddada saacadaha ah ee loogu talo glaay wixii uu qabanayey ay noqdaan wax la taaban karo oo uu wax ku beddeli karo, xilkaasina dhammaanba umadda reer Somaliland waa mid saaran, waana ta ay umaduhu ku kala horumaraan,” ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Xubno kale oo ay kamid yihiin wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Marwo Yurub Abiib, Agaasimaha waaxda maamulka shaqaalaha ee madaxtooyada, Mudane Saacid Cabdi Ciise, agaasimaha waaxda habmaamuuska, Abshir Xasna Xaashi, Agaasimaha waaxda Farsamada iyo dhismaha, Eng Maxamed Sheekh Daahir Qaalib, agaasime ku xigeenka waaxda arrimaha bulshada, Ayaan Xaaji Aktoobar, af-hayeenka madaxtooyada, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, af-hayeenkii hore ee madaxtooyada, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood bogaadiyey agaasimihii hore ee madaxtooyada, Marwo Khadra Xaaji Geydh, waxaanay soo dhaweeyeen agaasimaha cusub ee la magacaabay, iyaga oo u rajeeyey inuu sii horemarin doono shaqada loo igmaday.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here