Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u kala diray Shacbiga iyo Ehelada laba Marxuum oo Hargeysa Ku Geeriyooday Jimcihii 

0
823

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u kala diray Shacbiga iyo Ehelada laba Marxuum oo Hargeysa Ku Geeriyooday Jimcihii 

 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

TACSI MADAXWEYNE: 14/01/2019-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Axmed Jaamac Samatar (Dr Huu) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2019, Magaalada Gabiley.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay bahda caafimaadka, aqoonyahanka iyo siyaasinta Jamhuuriyadda somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo dedaaladii loogu jiray horumarinta arrimaha bulshada ee uu caafimaadku ugu horeeyo oo uu marxuumku ku lahaa door muuqda oo aan la hilmaami karin, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay qaranka uguna danbeeyey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here