Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Qaraxii ka Dhacay Itoobiya
Hargeysa(SN)- Madaxweynaha Jahmhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa cambaareeyey qaraxii maanta ka dhacay isu soo bixii shacbiga ee lagu qabtay fagaaraha Meskel Square ee magaalada Addis-ababa ee lagu taageerayey Raysul-wasaare Abiy Ahmed, sidaasna waxa sheegtay wakaaladda wararka ee SOLNA.
Sidoo kale waxa ay madaxweynaha iyo goleyaasha qaranka ee JSL ka tacsiyeynayaan Raysal-wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Ahmed,xukuumadiisa iyo shacbigaba, dadkii ku geeriyooday iyo intii kale ee ku dhaawacan tahay qaraxaas oo fal arxan darro ahaa oo ay sameeyeen kuwa nabad diid ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumad iyo shacbiba ay garab taagan yihiin dawladda iyo shacbiga Itoobiya oo ay wadaagaan xidhiidh sokeeye, mid derisnimo iyo saaxiibtinimaba.