Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222011/122024 uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu u leeyahay horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka;
Markii aan arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisaba, isla markaana in uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Maxamed Xasan Saleebaan Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland.
[
ALLAA MAHAD LEH
_________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland [