Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/12/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222010/122024 uu ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan arkay: Qoddobka 20aad iyo 49aad ee Xeerka Ciidanka Qaranka ee Xeer Lr.105/2023;
Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda uu La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranku u leeyahay Jamhuuriyadda Somaliland;
Markii aan ku qancay: Aqoontiisa, kartidiisa, iyo waayo-aragnimadiisaba, isla markaana uu hanan karo mas’uuliyadda ka dhalanaysa xilkan;
Markii aan sameeyey: La-tashi;
Waxa aan go’aamiyey;
In Ismaaciil Aadan Cismaan Al-Hashimi (Ismaaciil Yare), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka.
ALLAA MAHAD LEH
_____________________________
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland