Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay diyaaradihii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato oo dhinaca Tababarka ah.

0
6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Daah-furay diyaaradihii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato oo dhinaca Tababarka ah.

 

Hargeysa-21-10-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay diyaarado cusub oo Somaliland yeelan doonto (Somaliland Airline) oo loogu talo galay in lagu tababaro wadayaal (Pilots) dhinaca duulimaadyada ah oo reer Somaliland ah.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn daah-furay diyaaradaha Somaliland Airline oo ay ka wada-shaqeeyeen khubaro u dhalatay dalka Serbia, waxana uu madaxweynuhu sameeyey duulimaadkii ugu horreeyey ee ay diyaaradda Somaliland Airline samayso, taas oo si nabad ah dib ugu soo degtay.

 

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dhagax-dhigay Machad cusub oo lagu baran doono cilmiga kaxaynta diyaaradaha, (Aviation Institute at Somaliland civil Aviation and Airport Authority) isaga oo sidoo kalena dhagax dhigay Teerminaal cusub oo loo binaynayo madaarka Cigaal.

 

Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhigga ka jaray qolka madaxdu kasoo degto, kana dhoofto ee VIP-da oo casriyeyn iyo dib u habayn lagu sameeyey.

 

Munaasibad kooban oo lagu xusayey  mashaariicdan muhiimka ah ee qaranka u suuro galay, ayaa laga jeediyey hadalo lagu bogaadinayo horumarkan qaranku gaadhay iyo sida loogu hagar baxay.

 

Xubno ay kamid yihiin madaxda ugu sarraysa hay’adaha duulista iyo madaaradda Somaliland, wasiirro, la-taliyeyaal iyo khubarada gacanta ku haysa tababarka diyaaradahan lagu bixin doono oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey mashruucan lagu ibo furay diyaaradahan ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay iyo sida ay kaalinta mucda leh ugu leedahay siyaasadda madaxweynaha ee qaranka lagu hor marinayo.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxda hay’adda Duulimaadyada ku bogaadiyey dedaalka ballaadhan ee ay sameeyeen iyo sida ay uga midho dhaliyeen riyadii madaxweynaha ee ahayd inuu qarankani yeesho diyaarado uu iskii u leeyahay.

 

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa shahaado sharafyo guddoonsiiyey dhallinyaro dalka dibaddiisa kasoo baratay cilmiga waddista diyaaradaha iyo khubarada ajaanibka ah ee gacanta ku haya diyaaradaha cusub ee Somaliland Airline, kuwaas oo dhallinyarada bari doona wadista diyaaradaha.

Wa-bilaahi Tawfiiq