Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sannadguurada 31-aad ee Aasaaska ciidanka Booliska Mashaariic cusubna xadhigga ka jaray.

0
9

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Xuska sannadguurada 31-aad ee Aasaaska ciidanka Booliska Mashaariic cusubna xadhigga ka jaray.

 

Hargeysa-20-10-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad lagu xusayo sannad-guuradii 21-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskii ciidanka Booliska Somaliland, isaga oo sidoo kale xadhigga ka jaray dhismeyaal isugu jira cusbutaallo, Hool weyn oo munaasibadaha loogu talo galay, xafiisyo iyo kaalin shidaal oo ay ciidanka  Boolisku.

 

Munaasibaddan waxa madaxweynaha kala qaybgalay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan,, madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada, xildhibaanno,wasiirro, madax ka socotay axsaabta qaranka, siyaasiyiin, haldoor iyo martisharaf kale, waxana ugu horrayn  goobta lagu soo bandhigay masraxiyad xiiso badan oo bayaaminaysa kaalinta ay ciidanka Boolisku bulshada ugu jiraan iyo sida ay nolosha dadka iyo wada-jirkaba muhiimka ugu yihiin.

 

Suldaan Xuseen Cabdi Cabdilaahi oo kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey ciidanka Booliska, xaasaskooda iyo ubadkoodaba, waxana uu ku sifeeyey naftood-hurayaal qarankooda wax badan gashaday oo waqti kasta u adeega.

 

Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa dhankiisa bogaadiyey sannad-guurada 31-aad ee kasoo wareegtay Aas aaskii ciidanka Booliska, waxana uu sharraxay marxalado adkaa oo uu Boolisku soo maray, isaga oo sheegay inuu ciidanka Boolisku gaadhay meel wanaagsan oo horumar leh.

 

Hoggaanka hawlaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye guuto Ibraahim Cabdi xaaji Maxamuud, ayaa si faahfaahsan u sharraxay dembiyadii dhacay sanadkii u dambeeyey iyo sida ay boolis ahaan u maareeyeen, waxana uu muujiyey sida tudhaalaha leh ee ay ciidanku ula soo dabbaasheen hawlgalladii amniga lagu xasilinayey ee ay wajaheen.

 

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray ciidanka Booliska, waxana uu sheegay inay ka hoggaan ahaan si weyn u dhiseen ciidanka Booliska, aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba, una dhammaystireen wax kasta oo muhiim u ah shaqada culus ee ay qaranka u hayaan.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa bogaadiyey ciidanka Booliska, waxana uu ka sheekeeyey marxaladihii bilowga ahaa ee loo soo maray dhismahooda iyo sida ay u noqdeen kuwo horumarsan oo waajibkooda si fudud u guta.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ciidanka Boolisku fure u yihiin midnimada bulshada iyo wada-jirkooda, xuquuqda dadkana ilaaliyaan, waxana uu yidhi,“Boolisku xuquuqda uu Dastuurku qofka siiyey bay  ilaaliyaan, dadkuna waxay degaan oo nabaddu timaadda marka xuquuqdooda la ilaaliyo.”

 

Dhinaca kale,  waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray hool weyn loo bineeyey ciidanka booliska, 16-xafiis oo cusub, kaalin shidaal, Cusbitaal casri ah oo ciidanka Boolisku yeelan doono iyo dhismeyaal kale  oo dhamaantood laga maalgelyey miisaaniyadda qaranka, isaga oo shahaado-sharafyo guddoonsiiyey saraakiisha dhismeyaashaas hirgeliyey oo ka tirsan waaxda dhismaha ee ciidanka Booliska.

Wa-bilaahi Tawfiiq