Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Haween weynaha Ducaadda ah kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada JSL.

0
6

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Haween weynaha Ducaadda ah kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada JSL.

 

Hargeysa-05-10-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan ballaadhan la qaatay Haween Weynaha Ducaadda ah ama Cullimada ah ee ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu horayna waxa hadalka furay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland, Mudane Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo ka warbixiyey ujeedada kulankani xambaarsan yahay, waxa kale oo halkaa ka hadlay qaar ka mida haweenka Ducaadda ah oo kala ahaa Sheekhad Saynab Maxamuud Axmed oo iyagu qur’aanka kariimka ah ku furtay kulanka, Sheekhad Sucaad Cabdilaahi Xaaji Cilmi oo ku hadlaysay afka Dalladda Birri, Sheekhad Maryan Xaaji Yuusuf oo ku hadlaysay afka haweenka cullimada ah ee Gobolka Awdal, Sheekhad Istaahil Xuseen Cabdirisaaq oo ku hadlaysay afka dalladda Caynu Basiixa, Sheekhad Ifraax Aadan Ibraahim oo ku hadlaysay afka Dalladda Xaawa, Sheekhad Rooda Cabdiqaadir Cali oo ku hadlaysay Afka haweenka Cullimada ah ee Gobolka Gabiley, Sheekhad Kawsar Maxamed Khayre oo ku hadlaysay Afka Haweenka Cullimada ah ee Gobolka Togdheer, Sheekhad Nawaal Xaaji Muuse iyo Drs. Samsam Aw Geesh oo dhammaantood iska daba maray kaalinta ay bulshada u hayaan ee dhinaca diiniga ah, iyagoo xukuumaddana uga mahadnaqay kulankan iyo garab istaaga ay marwalba la barbar taagan yihiin wixii ay uga baahdaan Wasaaradda iyo Xukuumaddaba.

 

Sidoo kale waxa kulanka ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Mudane Cali Cumar Maxamed (Eng Cali Xoorxoor), Xildhiibaan Axmed Dayib oo ka mid ah Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Dr Cabdirashiid.

 

Waxaana kulanka soo xidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Haweenka Cullimada ah ku soo dhaweeyey Qasriga madaxtooyada una balan qaaday inay u furan tahay Madaxtooyadu wakhti kasta oo ay u baahdaan ka Ducaad ahaan.