Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Dalka Norway

0
4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Dalka Norway

 

Hargeysa-29-09-2024-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada Somaliland ku qaabiley Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Dalka Norway Mr. Einar Rystad.

 

Waxaana Kulanka lagaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga Mandaqada Geeska Afrika iyo xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Norway ka dhexeeya.

 

Waxaana Madaxweynaha Kulanka ku wehelinaayey Wakiilka Midowga Afrika Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Cabdilaahi Dhoolayare) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Axmed Abokor Maxamed.

Allaa Mahad Leh