Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland OO xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo dawladda Hoose, xafiisyo cusub wasaaradaha Biyaha, Beeraha, qaybta Booliska, soona kormeeray Dhaamka weyn ee Oodweyne

0
36

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xadhigga ka jaray dhisme casri ah oo loo bineeyey dawladda Hoose ee degmada Oodweyne, xafiisyo cusub oo loo dhisay wasaaradaha Biyaha, Beeraha, qaybta Booliska, isaga oo sidoo kale kormeeray Dhaamka weyn ee xukuumadda KULMIYE ka hirgelisay duleedka magaalada Oodweyne, waxana uu dhagax-dhigay xarun cusub oo ay yeelan doonaan ciidanka Asluubtu.