WAR-SAXAAFADEED
Hargeysa-06-02-2023-(SL)-Fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo galabta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada, shirkan oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinayeen Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shirkaas oo ujeedadiisu ahayd qiimaynta xaaladda ka taagan Laascaanood.
Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa shirka ka soo baxay go’aamaddan:-
- Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.
- Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.
- Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.
- Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.
- Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.
- Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday hiirtii hore ee saaka.
- Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.