Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Maraykanka

0
347

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Wefti Sare Oo Ka Socda Dalka Maraykanka.

 

Hargeysa-13-08-2022-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Ugu horrayna Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo. Waxa kale oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda  iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka.

 

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo  kala duwanna ay qaar ka midi  dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.

 

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.

 

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir

 

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen

Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika.

Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Sahel.

Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William “Kip” Ward.

Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.


ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here