Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wufuud Ka Timi Dalalka Jabbuuti Iyo Itoobiya Oo Dalka U Timi Ka Qaybgalka Xuska Ciidanka Qaranka + sawiro

0
466

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Wufuud Ka Timi Dalalka Jabbuuti Iyo Itoobiya Oo Dalka U Timi Ka Qaybgalka Xuska Ciidanka Qaranka

 

Hargeysa-02-02-2022-(SL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabilay wufuud kala duwan oo taliyeyaal ciidan u badan oo ka socday dalalka jaarka ee Ethiopia iyo Jibuuti, kuwaas oo dalka u yimi ka qaybgalka sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka Somaliland.

 

Wufuudda ka timi dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarraysa ciidamada kala duwan ee labada dal, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii uu madaxweynuhu saraakiisha ugaga mahadnaqi lahaa sida ay usoo sharfeen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda sannad-guurada ciidanka qaranka.

 

Dhankooda, Waftiga saraakiisha ah ee ka kala socda dalalka Jabbuuti iyo Itoobiya, ayaa  madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee uu usoo dhaweeyey, waxana ay tilmaameen soo dhaweyntu tahay astaan ay caan ku yihiin bulshada reer Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here