Johannesburg (Dawan)- Machadka Daraasaadka iyo Amniga ee ISS (The Institute for Security Studies ISS), oo ah machad Afrikaan oo ka shaqeeya arrimaha amniga, dhismaha dimuqraadiyadda, xoojinta aqoonta iyo xirfadaha mustaqbalka Afrika, ayaa tilmaamay in doorashooyinkii ka qabsoomay Jamhuuriyadda Somaliland 31-kii May 2021, ay kor u qaaday xaqiijinta dacwaddaha aqoonsiga qaddiyadda Somaliland, taas oo ah fursad horseed u noqon karta ictiraaf ay ka hesho dunida inteeda kale.

Warbixin uu diyaariyay Machadka Daraasaadka iyo Amniga ee ISS ayaa lagu sheegay in doorashooyinka Somaliland ay abuureen cadaadis xoog leh oo ku wajahan hanashada aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho waddamada Caalamka, maadaama oo ay Somaliland tahay dawlad guulaysatay oo soddonkii sanno ee la soo dhaafay ku naaloonaysay xasilooni, horumar iyo dimuquraadiyad.

Warbixinta Machadka Daraasaadka iyo Amniga oo ciwaan looga dhigay ‘Doorashooyinkii ka qabsoomay Somaliland waxay kor u qaadeen dacwaddeeda ku salaysan aqoonsiga’ waxay u qornayd iyada oo dhamaystiran sidan- “Jamhuuriyadda Somaliland waxay kordhisay cadaadiska la xidhiidha hanashada aqoonsi caalami ah oo ay ka hesho dalalka caalamka. Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanideeda, ayaa dhab ahaantii ku guulaysatay in ay dawladnimo ku naalooto si guul leh soddonkii sanno ee la soo dhaafay.

Somaliland ayaa siyaabo badan ugu qalanta in loo aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale oo ay ragaadiyeen fowdo, qalalaase, rabshado joogto ah iyo ammaan darro iyo rabshadaha badan.

Somaliland, oo dhacda bariga Afrika waxay u dhaxaysaa dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Gacanka Cadmeed ayaa lagu qabtay doorashadii labaad ee sharci-dejinta. Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa waxay ku guulaysteen 52 kursi oo ka mid ah 82-ka kursi ee golaha sharci dejinta, taas oo ah mid aqlabiyad ah.

Natiijooyinka doorashada ayaa ahaa kuwo qumman oo u qalma in lagu aqoonsado qaddiyadda Somaliland. Doorashooyinku waxay u dhaceen si nabad ah, taas oo ay goobjoogayaasha caalamiga ahi ku tilmaameen mid xor iyo cadaalad ah laguna kalsoonaaday.

Somaliland waxay ka go’day Soomaaliya 30 sanno ka hor sannadkii 1991, ka dib markii ay dagaal aad u ba’an oo xornimo doon ah la gashay keli-taliyihii naxariis darrada ahaa ee Maxamed Siyaad Barre.
Ururka Brenthurst Foundation iyo hawlwadeeno kale oo ka socday Jaamacadda College of London, ayaa socdaal xog ururin ah ku tagay caasimadda Somaliland ee Hargaysa, taas oo qayb ka ahayd istiraatiijiyad lagu kasbanayo taageerada caalamiga ah ee Somaliland.

Sidoo kale, bishii November ee la soo dhaafay, Xisbiga Shuuciga ah ee dalka Koonfur Afrika wuxuu ku qabtay magaalada Johannesburg shir ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha qaranka Afrika iyo isbahaysiga xisbiyada Koonfur Afrika, Ururada shaqaalaha ee Koonfur Afrika, Xisbiyada Shuuciga ah ee Swaziland, Zimbabwe Communist Party dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga ee Eswatini, shirkaasi oo ahaa mid lagu taageerayay qaddiyada Somaliland. Iyada oo Xisbiga Communist-ka Koonfur Afrika uu hadda u muuqdo in uu si cad u taageeray madaxbanaanida Somaliland.

Dalal badan oo ka tirsan qaaradaha fogfog ayaa ayaa aad ugu damqanaya qaddiyadda Somaliland, gaar ahaan Ingiriiska, oo ah maxmiyaddii hore. Somaliland waxay ku saleyneysaa kiiskeeda sharciyeed ee madaxbanaanida, xaqiiqda taariikhiga ah ee jirtay kahor sannadkii 1960, xiligaas oo ay ahaan jirtay maxmiyaddii Ingiriiska halka Soomaaliya ay ahayd gumeysi Talyaani ah.
Taas oo macnaheedu ahaa in xorriyadda labada gobol ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax bannaan, in kasta oo ay maalmo kadib midoobeen. Si kastaba ha noqotee, Somaliland waxay ku doodeysaa in sababtaas awgeed aanay midawga Afrika ku ku xadgudbin xudduudihii laga dhaxlay xilligii gumeysiga.

Dacwadaasi waxay u badan tahay inay ku tiirsan tahay warbixinta ergadii xaqiiqo raadinta ahayd ee Midowga Afrika u soo dirtay Somaliland sannadkii 2005. Warbxintaasi waxay xustay taariikhda gumaysiga ee labada dal ku kala duwan yihiiy iyo inaanay Somaliland ku faraxsanayn 30 sanno oo ay la midowday Soomaaliya. Taas macnaheedu waxa weeye ictiraaf raadinta Somaliland waxay ahayd “taariikh ahaan mid gaar ah iyo is xaq-sheegasho.

Caqliga saliimka ah iyo anshaxa ayaa soo jeedinaya in Soomaaliya ay qirato xaqiiqada madaxbanaanida Somaliland. Iyada oo ay xiligan Somaliland xaqiijisay in ka badan 30 sanno oo dawladnimo iyo jiritaan ah, iyo mid waxoogaa guul ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here