Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, Xil ka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda

0
512
Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, Xil ka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
WAREEGTO MADAXWEYNE: 24/06/2019
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
 
 
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Wareegto Madaxweyne
 
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
 
Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)
Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
 
Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska
 
Mudane,
 
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
 
Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.
 
UJEEDDO: MAGACAABID
 
Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;
 
Markaan Ka Fiirsaday: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
 
Markaan Ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
1) In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.
 
2) In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here