Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo tacsi u diray Qaranka Somaliland iyo bahda Dhaqanka ee uu ka baxay Marxuum Caaqil Cabdi Caaqil Xirsi Galow

0
2

TACSI MADAXWEYNE: 16/01/2025.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Qaranka Somaliland, bahda Dhaqanka, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Caaqil Cabdi Caaqil Xirsi Galow  oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 16/01/2025 Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday dhaqan oo ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

 

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda dhaqanka, qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.